|
Jabuuti, (insidesomalia.org)- Waxaa maalintii sadexaad galay shirka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xogeynta uga socda dalka Jabuuti, iyadoo gudiyada labada dhinac ay bilaabeen inay kulamo yeeshaan iyadoo aanay cidi ku dhexjirin.
Shirka ayaa si rasmi ah doodiisu u bilaabatay shalay, waxaana lagu wadaa inay maanta sii socoto, iyadoo aan la garan karin xilliga uu rasmi ahaan u gabgaboobay, lana soo saarayo qodobadii la isku afgartay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo hogaaminaya wafdiyada Dowladda ayaa beeniyay jiritaanka wararka sheegaya inay jiraan kala fikir duwanaasho u dhexeysa gudiyadooda, wuxuuse sheegay inay jiraan fadhiyo ay yeesheen.
"Guddiga ku sugan Jabuuti waxaa kusoo biiray kuwo ka yimid dalka Itoobiya, waxaana la fahamsiinayay sida uu shirku ku socdo iyo ajandayaasha laga hadlay" ayuu yiri Axmed Cabdisalaan oo gaashaanka ku dhuftay inuu jiro khilaaf u dhexeeya dhankooda.
Wuxuu carabka ku dhajiyay in gudiyada siyaasada iyo amaanka ee Dowladda uusan soo dhexgelin khilaaf ku aadan kan u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo si khaldan loo baahiyay.
|